Gallery
About

xafiiska bushaaro shipping and Livestock Agency -Berbera waa xafiis ah wakiilka gaadiidka baddaha kaas oo shaqaynayay muddo dheer oo gaadhaysa ilaa 16 (lix iyo toban sanadood). xafiiskan oo ay hawlihiisu fara baddan yihiin kana mid yihiin dhoofinta iyo soo dajinta (Import & Export) wuxuu anad walba soo dajiyaa badeecado kala duwan oo gaadhaya iylaa 250,000 Mittiric Ton oo isugu jira raahinka sida :

  • Bariiska
  • Sonkorta
  • Daqiiqda
  • Baastooyin
  • Saliido
  • Kaluun
  • Qasaac & qaybo kale ooo daruuriyaaadka ka mid ah

wuxuu kaloo xafiiskan wakaalada ee bushaaro shipping and Livestock Agency soo dajinyaa qalabka dhismaha, gaadiidka , &badeecadaha kala duwan (General Cargo) , iyadoo celcelis ahaan ay bil walba u yimaadaan 1-2 (mid ama laba) markab oo ah nooca waawayn.

xafiisku wuxuu wakiil u yahay oo ku xidhan shirkaddo waawayn oo wadani ah iyo shaqsiyaad ganacsato caan ah oo uu xafiisku u fududeeyo siday badeecadooda ugala soo dagi lahaayeen dakadda caalamiga ah ee Berbera iyadoo uu marar badana xafiisku macaamiishiisa badeecadahooda geeyo meheradahooda & istoodhadhkooa (ware houses) ee ay ku leeyhiin magaalooyinka Hargaysa,Burco,Wajaale & Boorame taas oo ah qaab (Clearance) ahaan oo ka mid ah adeegayadiisa.

xafiiskan waxa hawliihiisa ka mid ah:

  • Soo xidhista maraakiibta
  • Dejintooda &
  • Faasaxaadooda

markaa iyoadoo uu xafiiskan Burshaara Shipping uu xidhiidh & wada shaqayn wanaagsan la leeyahay dhamaan maamulka iyo shaqaalaha dekadda iyo customka Berbera sida :

  1. Maamulka Dekadda (Berbera Port Authority)
  2. waaxada faraca badda (Harbour Master)
  3. Waaxda soo dajinta (Shipping Dep.)
  4. Waaxda dajinta (Operation Dep.)
  5. Xafiiska tooxinta (Accesment Office)
  6. Xafiiska Socodka Badeecadda.
  7. Waaxda Cashuuraha(Custom Dep.)
  8. Xafiiska manaasiifta
  9. Xafiiska socdaalka

iyo qaybo kale oo fara badan oon halkan lagu soo kaabi karin........

 
Search Indhodeero